XOG: Beesha Abgaal oo ka baxday shirka Jowhar kadib markii loo dagay qorsho majaxaabin ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay kusoo waramayaan qaar kamid ah Ergooyinka Shirka Jowhar, ayaa sheegaya in shirkaasi socda aanu qeyb ka aheyn Beesha Abgaal, kadib markii ay carro uga baxeen shirka.

Nabadoon Maxamed Yuusuf oo kamid ah Ergada shirka ayaa inoo xaqiijiyay in madasha shirka ay ka maqan yihiin Ergadii ka socotay Beesha Abgaal.

Nabadoonka waxa uu sheegay in Ergada Beeshaasi ay ka carooden dulmi lagu hayo, waxa uuna farta ku goday inay ka carooden qaabka maqaamka loogu qeybiyay Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

”Adeer hoolka shirka waa laga la’ yahay xitaa hal oday oo kasoo jeeda Beesha waayo waxa ay caradoodu ku xeeran tahay qaabka loo kala qeybsaday cida madaxweynaha noqon doonto iyo cida looga danbeyn doono caasimada iyo waliba sida ay dowladu kaga gaabineyso kaalinta beesha markii laga soo tago shirka Jowhar lagu marti galiyay”

”Cadaalad darro ayay ka cabanayaan waayo dowladu waxa ay maqaam gaara siisay Hiiraan, halka Sh/Dhexe ay ka siisay maqaam xitaa aan lasiin Tuulo, waxaa looga baahan yahay dowladu inay cadeyso xuquuqda dhismaha maamulka ee Beesha Abgaal”

”Waxaa jira warar cusub oo Ergada shaki galiyay in Madaxweynuhu uu reer Hiiraan isugu daray xuquuqdooda iyo tii dadka Gobolka Sh/Dhexe taasi ayaa ugu weyn carada Beesha Abgaal ee hoolka looga waayay”

”Sababta ay uga baxeen shirka waa mid la xiriirta maqal ku aadan in Dowlada Somalia ay dooneyso in Madaxweynaha iyo Caasimada maamulka cusub ay isugu darto Beesha Xawaadle”

”Waxaa jira gorgortan u socda Dowlada iyo Beesha Xawaadle waxaa la doonayaa in wakhtiga ugu danbeeya Beesha Xawaadle loogu darro Caasimada maadaama ay horay u heysteen Madaxweynaha waana sababta ugu weyn oo Ergada Beesha Abgaal uga baxeen shirka”

Nabadoon Maxamed Yuusuf, waxa uu sheegay in magaalada Jowhar ay hadda saldhig u noqotay Ergooyin, Xubno ka socda dowlada iyo IGAD oo kala mowqif ah waxa uuna sheegay inay jiraan Beelo farabadan oo aan wali qanacsaneyn, halka qaarna aysan wali kamid noqon Shirka kuwaasi oo uu sheegay in xuquuqdooda la duudsaday.

Haddalka Nabadoon Maxamed Yuusuf ayaa u muuqanaaya in Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo IGAD ay indha sarcaadis ku hayaan Ergooyinka shirka Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com