Go’aan kasii careysiinaya Beesha XAWAADLE oo looga dhawaaqay Shirka Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada jowhar ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo shir ay leeyihiin ergooyinka ka qeyb galaya shirka magaaladaasi ka socdo.

Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray go’aan kasii careysiin kara odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan, kaasi oo ah halka noqoneyso caasimada maamulkaasi.

Ergooyinka ayaa u codeeyay halka noqoneyso caasimada maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ay isku raaceen in caasimada ay noqotaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dastuurka Qabyo qoraalka ah ee maamulkaasi uu yeelanayo ayaa qodobkiisa afaraad waxaa xubinta koowaad ay ka dalbaneysaa ergada iney buuxiyaan halka noqoneyso caasimada maamulkaasi loo sameynayo.

Ergooyinka ugu badan ee shirkaasi ka qeyb galaya ayaa u codeeyay in caasimada maamulkaasi ay noqotaa magaalada Jowhar.

Sanad ka hor madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto kusoo saaray in caasimada maamulkaasi noqoneyso magaalada Buulobarte, waxaana la ogeyn sida  ay arintaan u dhaqan geli doonto.

Caasimada online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com