Dowladda Somalia oo shaacisay xiliga la dooranayo madaxweynaha…

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga la dooranayo madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo muddo dib u dhac ka taagnaa.

Xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya Yaxye Cali oo saxaafada kula hadlay magaalada Jowhar ayaa ku dhawaaqay waqtiga la dooranayo madaxweynaha maamulkaasi.

Wuxuu sheegay bisha Octobar 3 ay doorasho ka dhaceyso magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe islamarkaana lagu dooran doono madaxweynaha maamulkaasi hogaamin lahaa.

Beri oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la xareeyo ergada kala matalaysa beelaha daga Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana kadib xigi doona soo xulista xildhibaanada baarlamaanka.

Ku dhawaad 90 xildhibaan oo loo qeybiyay beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ergada la xareeyay ay soo xuli doonaan, waxaana kadib xigaya doorashada madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com