Xog Cabsi ka taagan Villa Somalia iyo ciidamada oo amar lasiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in la adkeeyay amaanka Xarunta kadib markii ilaalada lagu wargaliyay inaysan deynkarin gaadiidka qaar.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Koontoroolada Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in ilaalada lagu amray inaysan deynin gaadiidka qaar gaar ahaan kuwa yar yarka ah.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in Taliyayaasha kor ka xakuma ciidamada Madaxtooyada lasoo gaarsiiyay in maleeshiyada ay dooneyso in weerar ay ku qaado Madaxtooyada iyagoo adeegsanaaya 2 gaari oo ay sheegen inay adeegsan jireen Saraakiil ka howlgasha Xarunta Madaxtooyada.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in gaadiidka laga cabsida qabo ay sabab u noqdeen in la xayiro gaadiidka kale ee raaxada, gaar ahaan kuwa macquulka ah in falalkaasi lagu fuliyo.

Sargaalkaani waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in ilaalada ka howlgasha Koontoroolada Madaxtooyada lasiiyay amaro ah inay iska hubiyaan cida ay deynayaan maadaama ay maleeshiyadu raadineyso fursado.

Mid lamid ah Cabsidaani ayaa waxa ay ka jirtaa dhammaan xarumaha dowlada, waxa ayna cabsida ugu badan ay tahay in maleeshiyada ay isku ekeysiiyaan shaqaalaha dowlada.

Inta badan amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo aad u farabadan lasoo dhoobay waddooyinka qaar, halka waddooyinkii furnaan jiray qaarkoodna laga mamnuucay gaadiidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com