LIVE: Si toos ah u daawo dacwadda badda Somalia (Somalia oo maanta hadleysa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maxkamada caalamiga ee cadaaladda (ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland ka socota dhageysiga dacwadda dhanka badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo gashay maalintii labaad.

Kenya waxaa Qareeno u ah qareeno u dhashay Faransiiska, Mareykanka, iyo UK, halka Soomaaliya ay qareeno u yihiin Soomaaliya iyo ajaaniib kale.

Waxa shalaya ay maxkamadda dhageysatay doodda Kenay ay ka keentay sharci ahaanshaha dacwadda ay Soomaaliya geysay maxkamadda, ayada oo kenya ay ku doodeysay inuu jiro heshiis ay garaeen labada dhinac, loona baahneyn in arrintan maxkamad lagu dhameeyo.

Kenya waxay tixraaceysaa heshiiskii sanaddii 2009 uu la galay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Maanta waxaa socda dhageysiga jawaabta Soomaaliya

Hoos ka daawo Muuqaalka oo live ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com