Fargeeti oo si caro leh uga hadlay warar ay isla dhex marayaan shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay jiraan shakiyo kala duwan oo kasoo baxaaya dhaqaalaha laga xaday Bangiga Dhexe ee Somalia, ayaa waxaa arrinta dhaqaalahaasi la xaday la xiriirta ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim (Fargeeti).

Fargeeti oo dhaqaalahaasi ka hadlaayay ayaa sheegay inaanu jirin ogaal ay Wasaarada u laheyd dhaqaalahaasi waxa uuna beeniyay wararka sheegaya in dhaqaalahaasi ay tahay mid ay waxbadan ka ogtahay dowlada isla markaana lagu gali doono doorashada dhawaan ka dhici doonta Somalia.

Fargeeti, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay baadi-goob ugu jirto shaqsiga ka danbeeyay dhaqaalahaasi la xaday waxa uuna cadeeyay inuunu jirin xiriir mideynkara xadida dhaqaalahaasi iyo doorashada dalka.

Fargeeti, waxa uu meesha ka saaray in la jabsaday qasnada ay ku jirtay lacagtaasi, waxa uuna sheegay in lacagtaasi si cad looga dhexsaaray Bangiga, isla markaana shaqsiga xaday uu ahaa mid la aaminay, hayeeshee ku dheelay kalsoonidii lagu qabay.

”Ma jirto cid jabsatay qasnada ee waxaa jira in si caadi ah looga baxsaday dhaqaalihii ku jiray qasnada, waana arrin cad in shaqsiga xaday uu ahaa mid la yaqaan kana mid ahaa shaqaalaha Bangiga”

Shaqsiga lacagtaasi xaday ayuu sheegay in dacwadiisa la gaarsiiyay dhammaan laamaha amaanka waxa uuna Fargeeti farta ku goday in shaqsigaasi uu soo gali doono gacanta dowlada wakhti dhow.

Fargeeti, waxa uu ku celcelshay isla markaana arrin been abuur ah ku sheegay in dhaqaalahaasi loo isticmaali doono doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta.

Haddalka Fargeeti ayaa imaanaya iyadoo inta badan shacabka ay isla dhexmarayaan in xadida lacagtaasi lagu qaldaayo dadka balse ay tahay mid leysla ogyahay ujeedkeeduna uu yahay in lagu galo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com