Dowlada Turkey oo diiday in maalinta Somaliland ee May 18 lagu xuso dalkaas

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maalmihii udambeyay Baraha Bulshada la isla dhex-mareyay warar kala duwan oo ku saabsanaa in Dowladda Turkigu u diiday bulshada reer Somaliland ee dalkeeda ku nool inay xusaan Munaasibada 18-May.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, C/naasir Axmed Xirsi oo wax laga weydiiyey arrinkaasi, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey arrintaasi, isagoona eedo usoo jeediyey Dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri:

“Waxa ku nool dalka Turkiga jaaliyad iyo ardey u dhashay Somaliland, sanadihii hore ee lasoo dhaafeyna munaasibaduhu si caadiya ayey u dhici jireen oo ay u qabsan jireen, Baraha bulshada waxa ku jira in xaflad ay qabsanayeen ardeyda Somaliland ee wax ka barata dalka Turkiga magaalada Ankara laga joojiyay, iyadoo sababo kala duwan iyo tafaasilado kala duwan laga bixiyey, ardeyduna wey nasoo gaarsiisay cabashadooda oo toos-bey noola soo xiriirtay”.

“Arrintaasi sida ay u gashay Baraha bulshada iyo sidey u dhacday runtii waa labo kala duwan, xaflada ha la joojiye, nidaamkii loo joojiyey iyo waxyaabaha lagu sababeeyay iyo waxay dadku ku fasireen ayaa runtii kala duwan, anaguna ka Wasaarad ahaan waanu ka howl-galnay oo waanu la xiriirnay dowlada Turkiga”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxay noo xaqiijiyeen in arrintaasi ay ku saabsantahay inayna marin nidaamkii xafladaha iyo isku soo baxyada noocaasa loo mari jirey, waxkale oo sal ku leedahay ma jirto, marka ay arrintaasi dhameystaan, wadadii saxda aheyd ee xafladahaa ogalaanshiyaha lagu siin-jiray, marka ay ogolaanshiyaha helaan ay sidaas ku bilaaban howshii, markaa wax intaas dhaafsiisan ma jiraan”.

Agaasimaha ayaa sido kale waxa uu Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay markasta carqalad ku tahay horumarka Maamulkooda, wuxuuna yiri:

“Markasta, wadan-kasta iyo meel-kasta oo la joogo Dawladda Soomaaliya waxay isku deydaa inay carqaladeyso waxkasta oo wanaaga oo ay bulshada Somaliland qabsaneyso meel-kasta oo ay joogto”.

“Turkiga oo qudha maaha, wadamo badanba oo kale wey isku deyday, Laakiin waxyaaba u suuro-galaya iyo waxyaabo aan u suuro-galeyn baa jira, Wadamadaasi waa waddamo sharci leh oo nidaam leh, waan waddamo ogol in dadku xuquuqdooda aas-aasiga iyo cabirka fikirkooga iyaga oo xaflado nabad-galyaa isugu imanaya”.

Wuxuuna hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimuhu “Dacwad kasta oo ay geeyaan iyo ka hor-imaansho kasta oo ay ka hor-yimaadan ma badelayso waaqica yaala, laakiin markasta waxaad ogaata Waddan kasta iyo meel-kasta inay Soomaaliya u taagan-tahay inay carqaladeeyan waxkasta oo wanaaga oo Somaliland u soo kordha ama ay qabsanayaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com