Dowlada Turkiga oo dalkeeda ka xanibtay Isticmaalka Wikipedia & Sargaal ka hadlay sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa xayiraad kusoo rogtay barta internetka ee Wikipedia oo inta badan aad looga isticmaalo dhammaan caalamka.

Xayiraadaani ayaa waxaa soo rogtay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Warfaafinta Turkiga kadib markii shaki la galiyay inay wado howlo caadi ah.

Sargaal ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay amar ku bixisay in barta internetka ee Wikipedia laga xiro dhammaan dalka ilaa iyo amar danbe waxa uuna Sargaalkaasi intaa raaciyay inay wadaan baaritaan lagu xaqiijinaayo tuhunka ay ka qabaan shaqooyinka Wikipedia.

Sargaalkaani waxa uu sheegay inay la socdaan in xayiraada lagu soo rogay Wikipedia ay saameyn ku yeelan doonto dadka shacabka ah balse ay xayiraadu tahay mid looga hortagaayo halis amni oo kaga imaankarta dowlada.

Waxa uu Sargaalka intaa raaciyay in dadka ku nool dalka aynan u suuragelin inay daalacdaan bogga Wikipedia haddii aanay isticmaalin barnaamijka loo yaqaan Virtual Private Network VPN.

Waxa uu tilmaamay in Hay’adda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Tiknolojiyadda ee Turkiga ay war kasoo saari doonto maalmaha soo socda sababta loo xiray iyo go’aanka kama danbeyska ah ee laga qaadan doono shirkadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dadka shacabka ah ee uu saameynta ku yeeshay go’aankaani ayaa aad u dhaleeceeyay dowlada oo ay ku eedeeyen inay xanibtay baraha ay bulshada ku mashquuli jirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com