Digreeto: Wasiirka Amniga oo magacaabay Afhayeen cusub oo laga soo xulay Jubbaland (Magaca +Sawir)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa magacaabay Afhayeen cusub oo ay yeelan doonto Wasaaradiisa amniga.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilka Afhayeenimo ee Wasaarada loogu magacaabay Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab) oo horay u ahaan jiray Afhayeenka Laamaha Ammaanka Jubbaland.

Xilka Afhayeenimo ee Wasaarada ayaa waxaa laga qaaday C/kaamil Macalin Shukri oo horay u ahaan jiray Afhayeenka Wasaarada tan iyo markii uu xilka hayay Xil. Cabdirisaaq Cumar.

Isbedelka iyo magacaabida Wasaarada ayaa qeyb ka ah isbedelo ay wado dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana isbedelkaani uu sameeyay Wasiirka amniga lagu muujinayaa isku dhex qas lagu sameynaayo shaqsiyaadka xilalka ka hayay DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Dhinaca kale, Afhayeenka cusub ee loo magacaabay Wasaarada amniga ayaa mid lamid ah xilka loo magacaabay ka hayay maamulka Jubbaland waxaana la saadaalinayaa in waxbadan uu kusoo kordhin doono howsha heer Qaran ee loo magacaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com