25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

BELGIUM oo ka hadashay xarigga aas aasihii burcad-badeeda Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) Dowladda Belgium ayaa maanta oo Talaado ah ka hadashay xarigga nin caan ah oo horrey uga tirsanaa kooxaha burcad badeedda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne).

Afweyne ayaa la sheegay in Sabtidii la soo dhacay lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Ninkan ayaa la sheegay in loo dhigay shir-qool aad cajiib u ah, kaddib markii ciidanka dhar cadka ah ee dalka Belgium, ay ku wargaliyeen in uu ka soo qaybgalo dikumiti laga sameenaayo burcad-badeeda iyo khataraha ay lee yihiin, laakin markii la ogaaday in uu soo dagay in la xiray.

Dacwad oogayaasha dowladda Belgium oo uu ka mid yahay Johan Delmulle ayaa sheegay in Afweyne loo heysto afduub uu u geystay markab waddankaas laga leeyahay iyo sagaal shaqaale ah oo la socday sannadkii 2009.

Waxaa la sheegay Afweyne in ka qayb qaatay afduub iyo in uu sidoo kale ka tirsanaa urur dambiile ah oo ka macaashay afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha la socda.

”Waa mid kamid ah kuwa ugu muhimsan, uguna caansan hoggaamiyeyaasha burcad badeedda oo mas’uul ka ahaa afduubka maraakiib badan oo ganacsi intii u dhexeysay 2008-2013’’, ayuu yiri Mr. Delmulle oo saxaafadda la hadlay.

Sida ay lee yihiin warbaahinta dalka Belgium Afweyne ayaa la filayaa maanta in maxkamad la soo taago.

Si kastaba, nin kan ayaa bishii January ee sanadkan wuxuu ku dhawaaqay in ka baxay falalka burcad badeednimada uu ku jiray muddo siddeed sano ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News