Dowladda Britain oo ku dhawaaqday lacago gaar ah u dagaalka ka dhanka ah burcad badeedda

London (Caasimada Online) Dowladda Britan ayaa ku dhawaaqday lacago gaar ah in ay ku bixineyso dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

War ay qortay maanta oo Talaado ah ayaa lagu sheegay in UK ay bixineyso lacag dhan £2.2milyan taasoo loogu talagalay dadaalka lagu ciribtaraayo burcad badeedda Soomaalida.

Sida lagu sheegay warbixinta, lacagtan waxa loo isticmaali doonaa in lagu dhammeystiro xabsi cusub oo dhismihiisu uu ka socdo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland iyo taakuleynta mashruuc lagula tacaalay siddii si fiican loogu dhaqmi lahaa burcad badeeda marka la qabto.

Warbixinta ayaa lagu sheegay xabsiga dhismihiisu ka socdo Garoowe in lagu hayn doono burcad badeedda la xukumay.

Lacagtan ay bixineyso dowladda Ingiriiska waxa lagu wareejinayaa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, Alistair Burt ayaa sheegay inay yaraadeen weerarradii burcad badeedda Soomaalida , balse wuxuu walaac ka muujiyay suurta-galnimada inay dib u soo kacaan weerarrada burcad badeedda.

Xafiiska arrimahan QM u qaabilsan ee loo gaabiyo UNODC ayaa dabayaaqadii sanadkii hore wuxuu magaalada Qardho  ee gobalka Karkaar ka dhisay xabsiga ugu weyn deegaannada Puntland, kaasoo lagu xiro burcad badeedda iyo dambiilayaasha kale ee la xukumay.

Si kastaba, hoggaamiye sare ka tirsan burcad badeeda Soomaalida ayaa dhawaan sheegay in uu ka baxay howshii burcad badeeda isagoona sidoo kale ka soo celiyay falalkaas in ka badan 100 dhallinyaro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi