Dowlada Canada oo dooneysa in lasoo xiro taliyaha cusub ee boliiska Somalia oo loo haysto xadgudubyo bani aadam

Ottawa (Caasimada Online) – Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo uu Todobaadkii hore Magacaabay Raisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh ayaa ah Dagaal ooge ay raadineyso Dowladda Canada iyo Booliska Dalkaasi.

Dowladda Canada ayaa raadineyso Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo Dalka Canada looga yaqaan Magaca Maxamed Xasan Faarax waxaana Generaal Maxamed Sheekh Xasan lagu heystaa Danbiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

“The New Somali Police Force Commissioner is a Somalian war criminal wanted by government of canada and Toronto-area police (…) he is wanted by the government of Canada for violating human rights under the Crimes Against Humanity and the War Crimes Act.”

Taliyaha_Cusub_ee_booliska_Soomaaliya_keydmedia_Online-620x330

General Maxamed iyo nin lala raadinayo
General Maxamed iyo nin lala raadinayo

Taliye-Mohamed-HassanJen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa Dalka Canada iskaga soo baxay kadib markii Qoysas uu Xiligii Kacaanka si xun u galay ay ku dacweeyeen Dalka Canada, waxaana lagu heystaa in uu ku xadgubay Xuquuqda Aadanaha, amrayna in la dilo Dad Rayid ah. Qoysaskaan ayaa Caddeyn badan hordhigay Maxkamadda.

Sidoo kale wuxuu Iibin jiray oo uu Lacag ku badalan jiray Dadkii “Kacaan Diidka” loo yaqiinay oo ku xirnaa Xabsiyadda, wuxuuna xiri jiray Ganacsatada diida Lacagta baadda.

Generaalka ayaa xiligii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre ahaan jiray Madaxa Dambi baarista Gobolka Banaadir. Dambiyadda lagu heysto Jen. Maxamed Sheekh Xasan ayaa waxaa kamid ah Kufsi, dhac iyo Dilal.

Waa astaan kale oo muujineysaa fashilka siyaasadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo nin horey u gummaaday shacabkii Muqdisho dib ugu soo celiyey iminka, sababta oo ah dowladda oo ka talisa kaliya Muqdisho.

Amarka xariga General Maxamed ayaa lsoo saaray bishii July ee sanaddii 2011, hase yeeshee illaa iyo waqtigaas waa uu dhuumanayey General oo wuxuu isku qarinayey magaalada Nairobi, sidu shaacisay warbaahinta Canada ee Sun News Network.

Halkan ka arag baadigoobka dowladda Canada ee Jenaral Maxamed

Caasimada Online

Xafiiska Toronto

Caasimada@live.com