Dowladda Kenya oo joojisay xaflad lagu soo dhoweyn lahaa CC Shakuur

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya oo joojisay Xaflad lagu soo dhoweyn lahaa Siyaasiga Cabdirahmaan Cabdishakur, Xafladdaas oo aheyd Qado ayaa lagu balansanaa in maanta uu ka dhaco Sir Cali Muslim Club oo ah fagaare weyn oo xafladaha lagu qabto una dhow Xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Kulankaan oo casuumaadiisa loo kala diray boqolaal qof ayaa ugu dambeyntii lasoo sheegay in la baajiyey kadib amar kasoo baxay dowladda Kenya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in amarka lagu joojiyay Xafladan uu bixiyay Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka, kaasoo horay u joojiyay in aanay Mucaaradka dowladda Madaxweyne Farmaajo wax shir ah ku qaban karin Kenya.

Amarka lagu joojiyey arrintaan ayaa la rumeysan yahay inay kasoo baxday madaxtooyada dalka Kenya waxaana ciidamada Booliska lagu amray inuusan dhici karin kulankaas iyo kulamada kale ee lamid ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore loogu xiray Magaalada Muqdisho kadib markii weerar lagu qaaday gurigiisa iyadoo lagu eedeeyey inuu galay dambi qaran dumisnimo ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor kansashay dacwaddii ka taalay Cabdiraxmaan Cabddishakuur sidoo kalana waxaa laga qaaday xayiraadii ka saarneyd dhanka safarada taasoo u sahashay inuu u dhoofo dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u joojisay kulamo uu cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qabsan lahaa magaalada Muqdisho, waxaana la yaab noqotay in haddana looga dabatagay dalka debadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com