Dowladda Kenya oo qaaday tallaabo u muuqata in ay aqoonsatay SOMALILAND

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo u muuqata inay aqoonsatay Somaliland oo hadda ay ula macaamileyso sida dal madax-banaan oo kale. 

Amar madaxweyne oo kasoo baxay madaxweynaha dalkaas William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad ka furaneyso Somaliland, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu ballaarinayo howlgallada diblomaasiyadeed ee Kenya ee dalalka kale ee caalamka. 

Amarkan, oo tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa safaarado ama qunsuliyado looga furi doonaa magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa. 

Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo 7-dii September 2021 ay Kenya Somaliland u magacoway madaxa xafiis siyaasadeed, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay dadaal u galay inuu hagaajiyo xiriirka labada dal, isaga oo Kenya tegay laba mar, oo mar uu la kulmay Uhuru Kenyatta inta aanu xafiiska ka tegin, marna William Ruto markii la doortay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xayiraadda ka qaaday qaadka Kenya, oo ay xanibtay dolwaddii Farmaajo, ayada oo taa beddelkeeda ay Kenya ballan-qaaday inay fududeyso dal-ku-galka iyo socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse aysan ka dhabeyn.

Kaaga sii daran, waxay hadda Xasan Sheekh ugu abaal-guday inay safaarad ka fureyso Hargeysa, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiin karta xiriirka labada dal. 

Heshiiskii uu Xasan Sheekh la galay Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa waxaa hadda muuqaneysa inuu ahaa mid dhinac u raran oo u faa’iideeyey kaliya Kenya, islamarkaana Soomaaliya ay ka dheeftay kaliya sawirro la qaaday. 

Ma cadda waxa uu hadda Xasan Sheekh uga jawaabi doona tallaabada Kenya, iyo haddii uu leeyahay karti uu ku qaadi karo tallaabo uu ku ciqaabayo Nairobi.