DAAWO: Jeneraal Tareedisho oo shaaciyey qorshaha lagu qabanayo Xarardheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha sare ee milatariga Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay furinta hore ee dagaalka ayaa shaaciyay howl-gal culus oo ku wajahan degmada Xarardheere.

Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay in u diyaarsan yahay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya qorshaha qabashada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

“Dagaalkan waa dagaalkii madaxweynaha iclaamiyey iyo ra’iisul wasaaraha in lala dagaalamo Khawaarijta. Dagaalka waxa laga gaaray guulo waaweyn, waajibaadkii iyo amaradii ay bixiyeen madaxda Qaranka waxaa laga gaaray guulo.”

Sidoo kale waxa uu digniin u diray dad uu sheegay inay yihiin “Af ku Shabaab” dano kale ka dhex raadinaya dagaalka socda, ayna ka waantoobaan dhabarjabinta howl-galada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Af ku Shabaable iyo qofkaan raba in dadka curyaamiyaan waxaa leenahay naga dhex bax oo dadka Soomaaliyeed waa baraaruugeen, ma aqaan wax kaga dhex jiree ka dhex bax.”

Jeneraal Tareedisho ayaa waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ay isa-soo dhiibeen Shabaab aad u badan, kuwasi oo iska soo kala dhiibay Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo deegaan kale oo ka tirsan labada maamul goboleed.

“Dadkan waa ku daaleen ka been sheegista Diinteena Islaamka oo ay ka been sheegaan nimankan Khawaarijta ah. Shaqsi walba oo kadiyeen waxa uu hadda ogaaday in wuxuu ku dhex jiro yahay qalad iyo dambi weyn kasoo dhex baxeen alxamdulilah Ilaahay ayaa soo hanuuniyey.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay Shabaabka isa-soo dhiibay iyo kuwa kale ee raba inay kooxdaas kasoo baxaan ay soo dhaweynayaan, una sameynayaan dhaqan-gelin iyo barashada xirfad ay kaga dhex shaqeystaan bulshadooda.

Hoos ka daawo muuqaalka