Cali Cosoble oo baaq u direy Xasan Sheekh kadib arrin kusoo badatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray baaq cusub oo ku socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ka kooban afar qoddob.

Cali Cosoble ayaa waxa uu madaxweynaha usoo jeediyay in meesha laga saaro askarta loo yaqaano minishiibiyada ee hubeysan, kuwaasi oo dhowr jeer dilal u geystay dad shacab ah.

“Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud
MudaneMadaxweyne waxaan kugula talinayaa in ciidan iyo qof hubeysan uusan qaadin wax canshuur ah,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Waxa kale oo uu yiri “In mihnadaha kuwa ugu hooseeya ee ay dadka ay tabartooda aadka u yar tahay nolosha ka raadiyaan laga daayo canshuurta laga qaado. Waxaa ka mid ah; Waratada, tabakaayadaha iyo bajaajyada.”

Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan dhalinyaro aqoon leh oo loo tababari karo qaadista canshuuraha.

“Madaxweyne waxaa buuxa dhallinyaro ka soo baxday dugsiyada sare oo shaqa la’aan ah oo loo tababari karo,” ayuu yiri si meesha looga saaro arrimaha waayadii dambe ka dashay canshuur qaadista Muqdisho.

Ugu dambeybtiina wuxuu madaxweynaha ugu baaqay in xilligaan la joogo xooga la saaro canshuur ka qaadista shirkadaha waaweyn. “Dalka markuu xasilo, nidaam iyo kala dambeyna la hirgeliyo, kaddib ayaa loo soo jeesan karaa ganacsiga yar-yar.”