FIQI oo shaaciyay habka ay DF ku wajaheyso go’aanka kasoo baxay PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay maamul goboleedka Puntland ee ay ku sheegtay inay u dhaqmayso sidii dowlad madax-banaan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in mowqifka ay muujisay Puntland ay wada-hadal kala gali doonto dowladda federaalka, si looga gaaro is-faham arrimaha ay tabanayaan madaxda maamulkaasi.

“Waa rajeynaya in wada-hadal laga galo arrintaan. Wasiirkiisi Juxa wuxuu yidhi waxa ula jeednay gorgortan, marka waa furan yahay gorgortan-kaasina. Qeyb ayaa ka noqon doono howshaas in meesheedi kusoo noqoto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay in weli uusan dalka laheyn Dastuur kala xadeynaya awoodaha dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kan kumeel-gaarka ahna uu dhigayo in waxkasta wada-hadal laga galo.

“Nidaamkeena lama yaqaano! Waxa lagu soo heshiiyay dalka federaal ha qaato oo Dastuur KMG ahna qoddobo ayaa lagu qor-qoray, inta badan sheegaya in wada-hadal laga galo arrimaha federaalka. Haddii aan la wada-hadlina lama gaarayo guushii iyo qoddobadii la rabay, taas waxay keenaysa in wada-hadalka noqdo albaab furan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si dadban ugu jawaabay Puntland ayaa sheegay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka, isaga oo xusay in aan marnaba la kala qaybin karin dalka.

“Dalkaan laba wax-yaabood inaan la’isku qaldin ayaan rabaa. Dalka in la federaaleeyo waa mid dalka in la’isku haayaa oo mid noqdanaa waa mid kale,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay. Jasiirado kala xir xiran oo midba midka kale difaac uga jiro ma aha”.