Dowladda Kenya oo sheegtay in xubno Shabaab ah ay ku dhinteen qaraxii LAMU

Nairobo (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya Esther Wanjiku ayaa faah faahiyey qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Laamu, kaas oo uu tilmaamay inay waxyeelo kasoo gaartay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Esther Wanjiku ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Sarira iyo Ras Kiamboni oo u dhow Ishakani, Lamu County, weliba Isniintii abaare 9:30 subaxnimo.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku dhinteen ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii ay miinadu la kacday gaarigii ay la socdeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggaasi ay hayeen  laba kooxood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana mid ka mid ah kooxahaasi ay dhigeenmiinada, kadibna kooxdii kale oo aan ka war heyn ay la kulmeen qaraxa, sidaasina ay miinada ku haleeshay.

“Waxaan xaqiijin karaa inay dhinteen 15 ka tirsan Al-Shabaab. Waxay ahaayeen laba kooxood. Mid ka mid ah kooxaha ayaa wadada dhigay miino si ay ula eegtaan balse kooxda labaad oo aan ka warqabin miinada wadada ku jirta si ay u maraan way garan waayeen wadadii, Gaarigii ay wateen ayaa dul maray oo qarxay. Dhammaan 15 -kii saarnaa gaariga way dhinteen, ”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya.

Waxa kale oo uu Esther Wanjiku intaasi kusii daray “Haddii cadow dhinto, taasi waa noo muhiim. Dadka deegaanka ah yaan la niyad jabin. Hay’adaheena amniga waxaa ka go’an inay ilaaliyaan amaanka shacabka iyo hantidooda. ”

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka bixisay hadalka Kenya, balse waxaa jirtay in shalay kooxdu baahisay in qaraxa ka dhacay Laamu ay laayeen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dowladda dalka Kenya.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ka fuliso deegaanada dhaca xadka dheer ee ay wadagaan labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.