Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota AFISYOONE

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Mudisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay hadal jeedinta xubnaha musharixiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo furay hadal jeedinta musharixiinta, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso hore u socodka doorashooyinka bilowday ee ka dhacaya guud ahaan dalka.

Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in Isbuuc gudihiis ay ku soo dhammaan doonto doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, isaga oo kula dar-daaramay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi inay ka shaqeeyaan cadaaladda doorashadaasi.

“Maanta cadaalad ayaa ina deeqdo, qof kasto haku xisaabtamo inay jirto meel kale oo lagula xisaabtami doono,” ayuu yiri ra’iisu wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda-galay khudbad jeedinta musharixiinta isku soo sharraxay kuraasta gobollada waqooyi ee ku tartamaya 11 kursi ee Somaliland, waxaana hadalka ugu horreeyey Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la tartami doono Saciid Cumar Xuseen.

Musharixiinta ayaa la siiyey ugu badnaan illaa 10 daqiiqo, waxaana guddiga uu shaaciyey in isla maanta lasoo gaba-gabeyn doono dhammaan hadal-jeedinta musharixiinta.

Sidoo kale beri oo Arbaco ah ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Aqalka Sare ee kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Si kastaba, doorashada kuraastan ayaa waxaa muddo dheer ka taagnaa khilaaf xoogan, kaas oo u dhexeeyey 2 garab oo ay kala hoggaaminayeen Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed.