Galmudug oo soo saartay digniin ku socota Sheekh Shaakir iyo Macallin Maxamuud

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, kuwaasi oo abaabul ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan maamulkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ayaa lagu faray hogaanka Ahlu-Sunna inay joojiyaan abaabulka iyo colaadda ay ka hurinayaan deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud.

“Waxaa deegaanka Huurshe soo gaaray taariikhdu markay aheyd 12-09-2021, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, iyagoo u yimid sida ay sheegeen siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, kadibna isla goobtii ka iclaamiyay abaabul iyo kicin dagaal, ilaa hadane ka shaqeynaya abaabulkaas dagaal oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Galmudug, Horumarka iyo Amniga Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu faray ciidamada ayagu wata darajada iyo dirayskii ciidamada ee qeybta ka ah abaabulkan ay 24 saac gudahood ugu laabtaan xeryahooda, ciddii u hogaansami waysana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaa u sheegaynaa shacabka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qof walba oo ku howlan gacan-siinta kuwa ka shaqeynaya colaadda iyo duminta maamulka Galmudug in ay kala baxaan abaabulka iyo kicinta dadweynaha, ogaadaanna in ay tahay fal-danbiyeed, taliska ciidanka Booliskuna uu la socdo dhaq-dhaqaaqooda.”

Taliska Ciidanka ayaa waalidiinta dhalintooda loo adeegsanayo abaabulka ka dhanka ah maamulka ugu baaqay inay ka ceshadaan caruurtooda raga hurinaya dhibaatada, sida lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka baaq nabadeed loogu diray beelaha colaaddu ku dhexmartay deegaanada Xanan-Buuro, ayagoona ugu baaqay inay ka wada-shaqeeyaan nabada iyo xasilinta deegaankooda, meelna iska dhigaan colaada soo noq-noqotay.

“Waxaa bogaadineynaa dadaalada ay wadaan mas’uuliyiinta labada beelood iyo wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana kula talineynaa in ay sii wadaan howlaha nabadeynta.”