Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qarax ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in caawa qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyey ku dhowaad 5 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka ugu yaraan 7 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaana haatan dhaawacyada dadkaas lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Kismaayo.

Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen.

Sida aan xogta ku helnay Maqaayada waxaa iska leh sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Jubbaland, kaas oo dadka nala hadlay magaciisa noogu soo koobeen Mafoofe.

Maqaayada qaraxu ka dhacay waxay ku taallaa xaafad lagu magacaabo Qoryooley oo ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. 

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland ay durba tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna haatan xaafadaas ka wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan kuwii ka dambeeyey qaraxaas Maqaayada gudaheeda lagu sii diyaariyey.