War cusub oo kasoo baxay gudiga maamulka doorashada xildhibaanada G/Waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta baarlamaanka federaalka ee gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in Talaadada maanta ay bilaaban doonto hadal jeedinta musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana oo horay loo soo saaray liiska xubnaha u tartamaya 11-kaas kuraasi ee reer waqooyiga.

Guddiga ayaa dhamaan musharixiintii is diiwan gelisay ku war-geliyey in Talaadada maanta ee 28-ka bisha ay si rasmi ah u bilaaba doonto hadal jeedinta musharaxiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisyooni oo xeyndaabka Xalane ku taalla.

“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u  bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta. Goobta: Xerada Afisiyoone Saacada: 8:00 Am, subaxnimo Fadlan Waxa Laga codsanayaa musharixiinta in ay dhowraan wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Khudbadaha musharaxiinta kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga oo loo balansanaa in Isniintii shaalay la bilaabo ayaa waxaa habeen ka hor lagu baajiyey qoraal ka soo baxay isla gudigaan, iyadoo aan weli la shaaciyey sababta keentay dib u dhacaas halka maalin ah.

Qoraalkii horay uga soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa lagu yiri, “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid  hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga.”