JUBALAND oo war ka soo saartay khasaaraha qaraxii xalay ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda amaniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka wasaaraddaasi Jaamac Axmed Cali (Joofane) oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof, 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Jaamac Joofane ayaa sidoo kale xusay in todobada qof ee dhaawacantay saddex ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay weli wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas oo lala beegsaday goob maqaaxi ah.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah, inta aan ognahay waxaa ku dhintay 2-ruux oo mid kamid ah uu carruur yahay, waxaana ku dhaawacmay 7-qof oo saddex ka mid ah Askar yihiin, Laamaha ammaanka waxa ay wadaan baaris,” ayuu yiri afhayeenku.

Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan, waxaana haatan dadka dhaawacyada ah lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaaladaasi, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.