“Doorashadii xildhibaanada waqooyi oo noqon weysay sidii la filayey” – Siyaasiyiin soo saaray qoraal xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta kala ah Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka soo wada jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa wadajir u soo saaray war-saxaafadeed ay uga soo hor jeedaan hanaanka ay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed u maamulayaan doorashada kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga.

Seddaxdaan siyaasi oo ra’iisul wasaare ku xigeen ka soo wada noqday dowladihii dalka soo maraya ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri, “lyadoo aan aad soo dhawaynay heshiiskii labada daraf ee Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland oo aan qayb ka ahayn, waxaa la rajaynayey in ay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ku dhisan tartan loo siman yahay kuna dhacda si caddaalad ah.”

Siyaasiyiintaan oo nuoxurka qoraalkooda ku soo koobay shan qodob ayaa sheegay inay filayeen in doorshadaasi ay noqon doonto mid hufan oo tusaale u noqota doorashooyinka kale ee dalka, balse Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed markii ay la wareegeen doorashada xubnaha Aqalka Sare ay u soo baxeen qodobada kala ah:

1 – Waxay si caddaallad darro ah oo baalmarsan sharciga iyo daah-furnaanta tartanka doorashada u soo qoreen liiska musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ah musharaxiin la tartamaysa dadka ay qorayaan.

2 – Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu isagu xayndaabtay kursiga 1-aad kaligiis, si aan cidina ugula tartamin, isagoo jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey.

3 – Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed waxay kuraasta inteedii kale u xireen dad gaar ah, iyagoo si gef ah oo bareer ah liiska uga reebay tartamayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa hadda kuraastaasi ku fadhiya xaqna u lahaa inay ku tartamaan, taasoo baal marsan hadalkii Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka jeediyay kulankii iscafinta oo uu ku sheegay in xildhibaanada kuraasta ku fadhiya lagula tartami doono, si siman oo cadaalad ah.

4 – lyagoo sheeganaya magaca Guddoonka Sare ee doorashada Somaliland, waxay soo saareen habraac ay ku sheegeen in lagu maamulayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo aanay xaq u lahayn inay soo saaraan Habraac doorasho. Arrintaasi waxay khilaafsan tahay heshiisyadii 17-kii Sep. 2020 , 1-dii Oktober2020 iyo 27-kii May 2021 ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran. Magacaa ay iskood ula baxeen meelna kagama jiro shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka ee soo baxay.

5 – Waxay fara galin ku sameeyeen Odayada Dhaqanka( Saxiixayaasha) qaarkood oo ay ka qaadeen xuquuqdii iyo masuuliyadii ay dadkii ay wakiilka ka ahaayeen u dhiibteen , taas oo aan horay loogu arag dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka leh dano gaar ah.

Ugu danbayntii Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed qoraal ay soo saareen waxay baaq ugu direen Ra’iisul Wasaaraha Rooble, iyagoo ka dalbaday in la saxo qaladaadka ku jira doorashada, lana waafajiyo shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka dalka ee lagu heshiiyey, waxayna soo jeediyeen in laga digtoonaado tan oo kale laga ilaaliyo doorashada Golaha Shacabka, loona qabto si caddaalad ah oo daahfuran.