Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday go’aan culus oo lagu taageerayo DF

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dib u billaabeyso taageerada maaliyadeed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay siin jirtay, kadib markii hay’adaha maaliyadda iyo dabagalka Mareykanka ku qanceen dib-u-habeynta lagu sameeyay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay December 2017, taageero dhanka mushaaraadka iyo saanadda ah oo uu siin jiray ciidamada Xoogga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada shabeellooyinka, iyada oo sabab looga dhigay musuqmaasuq baahsan oo ka jiray tirada ciidamada dhabta ah ee deegaannadaas ku sugan.

War qoraal ah oo ka soo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qeyb ahaan taageeradaan dib loo fasaxay si loogu dhiso kalsoonida ay deeqbixiyaashu ku qabaan nidaamka isla xisaabtanka Soomaaliya.

“Dib-u-soocelinta kaalmadaan, waxay muujineysaa kalsoonideenna ah in dowladda Federaalka iyo Ciidankeeda Xoogga ay sii wadaan qor u qaadista isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo gebo gabeysay wajiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka koobnaa, diiwaanngelin ciidamada lagu sameeyay oo loo adeegsaday habla keydinta xogta ee casriga ah, taas oo lagu ogaaday in ka badan 9kun oo magacyo been-abuur ah oo ku jiray liiska ciidamada.

Sidoo kale xukuumadda ayaa nidaamka mushaar bixinta ciidamada u beddeshay xisaabta bankiyada halka markii hore ciidamada gacanta laga siin jiray.

Dowladda ayaa toddobaadkii hore ku dhowaaqday wejiga labaad ee di-u-habaynta ciidamada oo xog dheeraad ah looga uruurinayo askarta, laguna qiimeynayo baahayaha ciidamada ee dha walbo leh.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com