Dowladda oo ballaarineysa kacdoonka iyo Xamza oo ku baaqay inay kusoo biiraan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 25-aad ee aasaaska Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay muhiimada ay cilmiga, waxbarashada iyo hey’adaha waxbarashadu u leeyihiin xasiloonida amniga iyo horumarinta bulshada.

Xamza ayaa xusay in wax badan laga soo qabtay dowlad dhiska oo xiligaan la joogo meel wanaagsan, hase yeeshee wali ay taagan yihiin caqabado ay kamid yihiin fikradaha xag-jirka ah.

Waxa uu sheegay in lagama maarmaan tahay in aqoon-yahanada, jaamcadaha iyo hey’adaha kale ee waxbarashadu inay qaataan doorkooda ku aaddan la dagaalanka fikirka xag-jirka ah iyo dadaallada dib-u-xorreynta ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

“Cilmigeennu waa inuu amniga iyo gaajada naga xalliyaa, horumarinta dhaqaalaha uu qeyb ka qaataa, dhamaan caqabadaha bulsho ee na heysta xalkoodu waa inuu cilmiga ka yimaadaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan u baahannahay cilmi baaris ay dad Soomaaliyeed sameeyeen si ay u soo baxaan natiijooyin xal loogu helayo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed heysta.”

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa imanaya xili ay isla maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen istaraatiijiyadda guusha ee dabar-goynta argagixisada, si loo mideeyo cududda shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, iyo saaxiibada Soomaaliya.