Wararkii ugu dambeeyay kacdoonka HIIRAAN iyo ciidamada oo u jiheystay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dib u xoreynta deegaanka iyo ciidanka dowladda ay ka kala ruqaansadeen degmooyinka Maxaas iyo Buulaburte, ayna ku wajahan yihiin degmada Moqokori.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay in ciidamo aad u fara badan ay goordhaweyd u dhaafeen dhinaca degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo weli ku sugan yihiin dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Shabaabkii ku sugnaa deegaankaas ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga baxayaan degmada, maadama ciidamada is-garabsanaya ay laba jiho kaga soo wajahan yihiin degmada Moqokori.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya inay cabsi badan lasoo daristay dadka degaanka, oo ka walwal in lagu kor dagaalamo.

Ciidamada is-garabsanaya ayaa maalmihii dambe dardar xoogan ku waday dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saarayay inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolka.

Howl-galada dagaal ee ay wadaan ciidamada is-garabsanaya ayaa sidoo kale waxa uu gacan ka helay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasi oo duqeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

Mareykank ayaa wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale hore u shaaciyey in howl-galka ka socda gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana inta badan gobolkaas laga wiiqay awoodii kooxda.