DF oo amar deg deg ah dul dhigtay 13 wasaaradood + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa lagu faray 13 Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda inay si deg deg ah u gutaan waajibkooda kaga aadan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Wasaaradaha la dul dhigay amarkaan ayaa kala ah; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Amniga Gudaha: Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Caafimaadka, Korontada iyo Biyaha, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Arrimaha dibadda, Maaliyadda, Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Dhalinyarada iyo Isboortiska, Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Waxaa xusid mudan in 13-ka wasaaradood ay qaarkood kamid yihiin wasiiradoodu guddiga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dagaalanka argagixisada oo maanta uu golahu go’aamiyay dhismihiisa.

Xukuumadda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale qorsheynaysa qabashada shir qaran oo looga arrinsanayo fidinta, dhiiri-galinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada.

Arrimahaan ayaa si weyn u taageeraya kacdoon dagaaleedka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo la rumeysan yahay haddii aan loo kala hadhin ay ka dhalan karto natiijo la-mahdiyo, sida ka muuqatay bilowga howl-galada dhinacyadu ku qaadeen argagixisada.