Shirka golaha wasiirada oo laga soo saaray go’aano culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo dhaxal-gal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

Golaha ayaa go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dagaalanka argagixisada lagu dabargoynayo, kuwaasi oo ka kooban Ra’iisu Wasaaraha, RW ku-xigeenka, Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga, Amniga, Awqaafta iyo Arrimha Diinta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Dhallinyarada, Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo dari kara guddiga abaabulka iyo isku dubaridka howlaha la-dagaalanka argagixisada lagu dabargoynayo ciddii kale ee uu u garto in aan looga maarmin hawshan.”

Sidoo kale Golaha ayaa go’aamiyay in barnaamijka la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la-dagaalanka fikirka xagjirka ah ee rabshada wata.

Golaha ayaa soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howl-galada dalka looga xoreynayo argagixisada.

Shirka maanta ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiiri-galinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

“Golaha ayaa waxa uu go’aamiyay in la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maal-galinta argagixsada (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ururada argagixisada ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqan-galiyo.”

Ugu dambeyntiina golaha ayaa go’aamiyay ansixinta istiraatijiyada guusha ee dabar-goynta argagixisada, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Saaxiibada Soomaaliya.