Dowladda ”oo diyaarisay’ qorshe la xiriira deegaanada laga saaray AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa dardargelin doonto qorshaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo hadafkuna yahay inay la wareegaan dhulka ay maleeshiyadaasi maamulaan, dowladduna ay ka hirgeliso nidaamka dowliga.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys Jaamac oo bogaadiyay hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood ayaa dhanka kale sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Khawaarijta.

Wasiirka oo soo hadalqaaday hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayuu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay cadowga, sida uu yiri. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay ku daba jiraan firxadka maleeshiyada Al-Shabaab iyo horjoogeyaashooda.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay diyaarisay istiraatiijiyadda xigta xoreynta ee lagu xasillinayo goobaha la xoreyay.

Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegaya in iyadoo laga faa’iideysanayo gulufka ku furan Shabaabka ay dowladdu diyaarisay qorshe lagu xasillinayo dhulka la qabtay, laguna gaarsiinayo adeegyada muhiimka ah.

“Dowladda, iyadoo ka faa’iideysaneyso fursadaas waa tan keentay in ay diyaariso qorsheyaal ku saabsan xasilloonida deegaanadaas iyo in adeegyada muhiimka ah la gaarsiiyo.” Ayuu yiri Wasiirku.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa horaan ka shiray qorshaha dowladda uga yaalla dhulka laga saaro Shabaabka, si dadka deegaanadaasi ku dhaqan ay noloshooda horey u sii wataan.

Muddada ay hawlgaladu ka socdaan deegaanada Hirshabelle ayay Shabaabku lumiyeen inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Guulaha muuqda ee ay ciidamadu ka gaarayaan hawlgalada Hirshabelle ayay dadka qaarkii ku macneeyeen mid ifafaalo wanaagsan u ah qorshaha Villa Somalia ay ku dooneyso inay ku soo afjarto waayihii Ururka Al-Shabaab ee dalka.