Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii AQALKA SARE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayaa maanta shir-guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee Golahaasi, kaasi oo ajandihiisu ahaa Akhrinta koowad ee Hindise sharciyeedka wasaaradda beeraha iyo waraabka.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Sanatarrada Golaha Aqalka Sare akhrinta koowaad u dulmaray, iyadoo intaas kadib guddoomiye Cabdi Xaashi uu ku wareejiyay guddigii ku shaqada lahaa, si ay uga soo gutaan waajibaadkooda shaqo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa fadhigii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxa uu shahaado sharaf ku guddoonsiiyay xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cali Maxamed Jaamac.

Shahaada sharafta lagu maamuusay xogahayihii hore oo ka timid Sanatarrada Haweenka ayaa ka tarjumaysay hogaamintiisii wanaagsaneyd ee Aqalka Sare iyo dadaalkii uu geliyey horumarinta Golaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu dambeyntiina sheegay in sooyaalka Aqalka Sare uu baal dahab ah ka geli doono xoghayihii hore doorkii uu ku lahaa dhismihiisa, ayada oo Sanatarrada iyo xoghayaha cusub ay tilmaansan doonaan shaqada waddaniga ah ee uu soo qabtay.