DF oo ku dhowaaqday war farxad leh oo ku aadan ciidamada qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhaqaale badan ku bixin doonto dhismaha iyo xoojinta ciidamada Soomaaliya, si ay u badalaan mustaqbalka dhow kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaayay wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan fadhi xildhibaannada baarlamaanka uu ku yeshay xarunta golaha shacabka ayuu sheegay in ciidamada xoogga Soomaaliya la siin doono dhaqaale ku filan si loo adkeeyo ammaanka waddanka.

Wasiirka ayaa mar la waydiiyay miisaaniyada ay soo bandhigtay xukuumadda sannadka 2013-ka in ay ku jiraan kuwa ciidamada ayaa sheegay in miisaaniyada xukuumada cusub ay dajisay in ay ku jirto dhaqaalaha la siinaayo ciidamada.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqaalaha ku xusan miisaaniyadda xukuumadda ee ciidamada loogu talagalay aanay ku koobnaan doonin xisaabta la gudbiyay, balse ay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo dheeraad ah, si ay u suuragasho sugidda ammaanka iyo difaaca dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley kulamo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ku yedeshay Muqdisho, kuwaasoo ay uga dooddayaan miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya u gudbisay.

Si kastaba, madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlaayay casho sharaf ay u sameeyeen isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Uganda, wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya askarta ciidamada dowladda mushaarkooda ay ka qaadan doonaan Dahabshiil, isla markaana laga hortagi doono musuqmaasuqa ka dhaca lacaga loogu talagalay ciidamada.

Dhowr jeer oo horrey ayaa dowladdu lacago ay ugu talagashay ciidamada waxa ay ku dhaceen jeebaba shaqsiyaad kale, taasoo keentay in askariga uu dhac iyo bililiq u geesto dadka rayid ah ama ku safra waddada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho