Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dhismaha maxkamado u gaar ah arrimaha ganacsiga, si loo xoojiyo nidaamka garsoorka ee khuseeya ganacsatada iyo maalgashadayaasha dalka.
Qorshahan ayaa lagu lafa-guray kulan ay wada yeesheen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan.
Kullanka oo ay qeyb ka ahaayeen khubaro ka kala socotay labada wasaaradood ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga Soomaaliyeed, si loo helo sal sharci oo adag oo aas-aas u noqda kobaca dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay dejinta hannaan sharci oo hufan oo lagu xallinayo murannada iyo khilaafaadka ganacsi, iyadoo la dhisayo maxkamado si gaar ah ugu takhasusa arrimahaas.
Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in Wasaaradda Cadaaladda ay qaadato doorka hoggaaminta dhismaha maxkamadaha ganacsiga iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu maamuli doono.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sidoo kale laga sugayaa inay soo dhameystirto xeerarka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah nidaaminta ganacsiga iyo ilaalinta xuquuqda ganacsatada.
Ugu dambeyntiina, waxaa la isku raacay in la magacaabo guddi farsamo oo wadajir ah oo ka kooban labada wasaaradood, kaas oo diyaarin doona qorshaha iyo hanaanka lagu hirgelinayo maxkamadaha ganacsiga.







