Dowladda oo shaacisay in dib loola wareegay Masaajid Cali Gaduud + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo shalay ay qabsadeen Al-Shabaab kadib weerar ku bilowday qaraxyo oo maleeshiyaadka ku qaadeen deegaanka.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furinta hore ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in khasaare culus la gaarsiiyay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, isaga oo cararbka ku adkeeyay in aysan jirin meel looga laabto, ayna ka go’an tahay difaaca deegaankaas.

“Ciidamada qaranka oo kaashanaya iyo kuwa deegaanka ayaa waxa ay ka war heleen cadow raba inay arbushaan degmda Masaajid Cali Gaduud, waxayna ku baxeen halkaas, waxaana Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab wayn, halkaasna waxaa gacan ku heynteeda iska leh ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee xaq u dirirka ah,” ayuu yiiri.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Meel loo laabto ma jirto illaa dalka laga sifeeyo Al-Shabaab ,Masaajid Cali Gaduudna waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka.”

Dhanka kale, waxa uu ka warbixiyay howl-gallo kale oo ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud oo ay duqeymo barbar socdeen, wuxuuna carabka ku dhuftay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Afhayeen Abuukar ayaa sidoo kale soo hadal qaaday duqeymihii cuslaa ee ka dhacay degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbbada Hoose, wuxuuna sheegay lagu beegsaday saldhigyo muhiim ah oo kooxda ku lahayd degmadaasi, laguna dilay maleeshiyaad tiro badan iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmada Jilib ayaa duqeymo is daba joog ah lagu gaarsiiyay khasaare cadowga Al-Shabaab oo ahayd saldhigga ugu wayn ee ay ku leeyihiin Soomaaliya, dowladda ayaa u daadatay waxayna ku dishay kooxda ka tirsan Shabaab iyo horjoogayaal,” ayuu raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeyay, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay soo galeen gobollada Shabeelooyinka, sidoo kalena lagu arkay deegaanno aad ugu dhow magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dagaalladii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaannada Ceel-Baraf iyo Daaru-Nicma, Ceel Cali Axmed, Masaajiid Cali Gaduud, Sabiid iyo Canoole, degmada Awdheegle iyo deegaanno kale, waxaana barbar socday duqeymo diyaaradeed oo xoogan.

Duqeymaha cirka ah waxay ka mid yihiin istaraatiijiyadda dagaal ee lagu yareynayo khatarta weerarrada tooska ah iyo in lagu wiiqo awoodda kooxaha hubeysan, waxaana Soomaaliya ka caawiya dalal waa wayn sida Mareykanka, Turkiga iyo Itoobiya.