Dowladda oo shaacisay in la dilay Macallin Ayman

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday duqeyn 17-kii bishan December ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, taasi oo la sheegay in lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogg Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa sheegay in duqeynta Jilib lagu dilay horjooge Khaliif Daa’uud oo Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaalada.

Taliayaha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in in 17-kii bishan duqeynta Degmada Jilib ka dhacdayn lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo magaciisa afgarashadu yahay Macallin Ayman.

Macallin Ayman ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarro ka dhacay gudaha dalka Kenya, oo lala beegsaday saldhiggii Mareykanka ee Manda-Bay iyo ciidamda Kenya, iyo weerarro badan oo loo maleegay shacabka Soomaaliyeed.

Macallin Ayman ayaa waxaa xayiraad saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu ahaa aasaasaha ‘Jaysh-Ayman’ oo ah guuto Al-Shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa abaal marin lacageed madaxiisa saaray Macallin Ayman, iyadoo loo daba joogay weerarkii Manda-Bay oo askar Mareykan ah iyo Qandaraaslayaal lagu dilay.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inuu qaaday duqeyn cirka ahoo 17-kii Bishan December lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee deegaankaasi, kaasoo aanay magacaabin, balse aanu jirin wax khasaare ah oo dadka shacabka kasoo gaaray weerarka.

Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.