Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in aysan marnaba ka laaban doonin qorshaha ay dalka ku gaarsiineyso doorasho qof iyo cod ah, xilli ay natiijo la’aan iyo is-fahan waa kusoo dhamaadeen wadahadalladii xasaasiga ahaa ee u dhexeeyay dowladda iyo isbaheysiga mucaaradka ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in dowladdu ay weli diyaar u tahay wada-hadal furan, tanaasul dhanka “qaabka farsamo” ee doorashada ah, iyo wada-tashi qaran oo ballaaran. Hase yeeshee, wuxuu si adag u qeexay in jihada loo socdo ee hirgelinta doorashada tooska ah ay tahay mid “muqaddas ah” oo aan gorgortan laga geli karin.
“Geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya dib looma dhigi karo ilaa xilli aan la cayimin,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar, isagoo u jawaabayay Ergada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo qoraal soo dhigtay barta X.
Qaramada Midoobay ayaa horey u muujisay niyad-jab ku aaddan in dhinacyadu ay ku guuldareysteen inay heshiis gaaraan, inkastoo ay soo dhaweeyeen ballanqaadka ah in wadahadalka la sii wado.
“Waxaan soo dhaweynaynaa ballanqaadka ay labada dhinacba shaaciyeen ee ah inay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo xal wax-ku-ool ah oo horay loogu socdo,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waxaan si adag u dhiirigelinaynaa in la sii amba-qaado wadahadalka, iyadoo la muujinayo niyad-sami dhab ah.”
Ergada ayaa sidoo kale caddeysay in beesha caalamku ay diyaar la tahay taageero kasta oo loo baahdo si xal looga gaaro qodobada xasaasiga ah ee la isku hayo, kuwaas oo salka ku haya dastuurka iyo hannaanka doorashada.
“Annaga oo kaashanayna saaxiibada kale ee beesha caalamka, waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu doonayo in lagu gaaro tanaasul macquul ah oo laga yeesho arrimaha taagan ee weli la isku mari la’yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka
Maxaa la isku mari waayey?
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku xaqiijiyay fashilka ku yimid wadahadalladii albaabadu u xirnaayeen ee ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Mucaaradka ayaa sheegay in kulamadaas ay kusoo idlaadeen “natiijo la’aan,” kadib markii la isku mari waayay laba qodob oo udub-dhexaad u ah khilaafka:
Qodobadaas ayaa kala ah; In wax-ka-beddelka dastuurka la meel-mariyo iyadoo aan laga gaarin heshiis qaran oo loo dhan yahay, iyo qaabka loo wajahayo doorashada dowlad-goboleedyada uu muddo-xileedkoodu dhamaaday.
Golaha ayaa ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay aasaaska sharciga dalka, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay wado tallaabooyin “hal dhinac ah”.
Waxay sidoo kale dalbadeen in doorashooyinka maamulada lagu qabto dastuurada dowlad-goboleedyada iyo mabaadi’da federaalka ee hadda jira, halka ay dowladda ku eedeeyeen inay doonayso in doorashooyinka saddex maamul-goboleed lagu saleeyo hannaanka cusub ee dastuurka lagu muransan yahay.
Mucaaradka ayaa eedeeymo culus u jeediyay Villa Somalia, iyagoo sheegay in xubnahooda la saaray “cadaadis xooggan.” Waxay xuseen in lagula kacay caga-jugleyn dhanka amniga iyo siyaasadda ah, iyo ollole warbaahineed oo lagu dhaawacayo sumcaddooda.
Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday labada dhinac inay xariga wadahadalka aanay jarin.
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “wada-hadalka iyo tanaasulku ay yihiin kuwo adag balse daruuri ah,” iyadoo xustay in midnimada siyaasadeed ay fure u tahay la-dagaalanka argagixisada iyo xoojinta dowladnimada.

