Dowladda Sacuudiga oo 600,000 oo Falastiiniyiin ah ka mamnuucday XAJKA

Riyadh (Caasimada Online) – Sucuudi Careebiya waxa ay ka mamnuucday Falastiiniyiinta sida KMG ah u haysta baasaboorada Jordan in ay soo galaan dalkeeda, taas oo u diideysa boqolaal kun oo  dad ah in ay gutaan waajibaadka Xajka iyo Cumrada, madaxda shirkadaha dalxiiska ee Falastiin iyo Jordan ayaa sidaas u xaqiijiyey Middle East Eye.

Dhawr shirkadaha bixiya fiiseyaasha, ayaa sheegay in lagu wargaliyey bilowgii bishan in aysan fiiseyaal u soo dalbin qof doonaya in uu ku safro baasaboor Jordan ah oo KMG ah walow wali aan si rasmi ah loo shaacin.

Tallaabadaas waxa ay si toos ah u saameyneysaa ku dhawaad 634,000 oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku nool Jordan iyo dhulka ay Israel haysato ee Bariga Jeerusalaam, halkaas oo ay malaayiin xujey ah ugu  soo safraan sanad walba magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina.

Baasaboorka KMG ah ee Jordan waa dikuminti dhaca muddo shan sano oo loo sameeyo Falastiiniyiinta ku nool dhulka bariga Jeerusalaam ee ay Israel haysato.

Qaxootiga Falastiin ee ka yimid marinka Gaza ee ku nool Jordan waxaa lagu qiyaasaa 150,000, kuwaas oo sidoo kale loo sameeyo baasaboorka KMG ah, halka Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee ay Israel haysato si sharci ah loogu ogol yahay in ay codsadaan.

Qofka haysta baasaboorka KMG ah lama siiyo lambar aqoonsi ah taas oo ka dhigan in uusan ahayn muwaadin buuxa.

Falastiiniyiinta ku nool Bariga Jeerusalaan waxa ay baasaboorka u adeegsadaan dikuminti safar ahaan ah oo ay uga kala gooshaan dalalka gaar ahaan kuwa ay ku badan yihiin Carabta aan dal ahaan u aqoonsaneyn Israel ama dikumintiyada safar ee ay sameyso Israel.

Kamal Abu Dhiab oo ah madaxa bulshada dalxiiska ee Jordan iyo waaxaha socdaalka ayaa u sheegay MEE in hay’adda lagu wargaliyey “Hadal loogu sheegay telefoonka” sharciga qunsulka Sucuudiga ee Cammaan.

“Waxaan xaqiijin karaa in ay nagu wargaliyeen in aynaan soo dirin baasaboorka KMG ah ee Jordan si loo helo Fiise. Qunsuliyadda Sucuudiga ayaan dhawaan nagu wargalisay, farriintooda qoraal ma ahayn laakiin hadal,” ayuu yiri Kamal Abu Dhiab.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com