Aadan Barre oo la kulmay Qalbi-Dhagax, shaaciyeyna cidda sii daysay + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Cabdikariin Shiekh Muuse Qalbidhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaal Itoobiya.

Qalbidhagax oo ahaa shaqsiga ugu hadal haynta badan ee bulshada Soomaalida dhexdeeda ayaa loo gacan galiyey sirdoonka Itoobiya iyaga oo ka kaxeystay gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho, markii laga soo qabtay Gaalkacyo.

Hase ahaatee, kaddib markii uu talada Itoobiya la wareegay Abiy Axmed waxaa la sii daayey Qalbidhagax, taas waxa ay dhalisay dood ku saabsan cidda lahayd mas’uuliyadda soo deytiisa.

Safiir Soomaaliya u jooga Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho sii deyntii Qalbidhaax kaddib ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya codsi uga yimi darteed ay Itoobiya ku sii deysay Qalbidhagax.

Si kastaba, gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo ra’iisul wasaare Itoobiya Abiy Ahmed sii deynta Qalbidhagax.

“Waxaan rabaa in aan u gudbiyo Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida aan uga mahadcelinayo fududeynta sii deeyntiisa iyo is bedelka dhaqan qaale iyo dastuur ee ka scoda Itoobiya.”

Qalbidhagax tan iyo markii la soo daayey waxa uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya xilli ONLF iyo Itoobiya wadahdallo uga furmeen dalka Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com