Cayaar Jecel: ”Anigu runtii afar cisho waxaan ku hurdi waayay arrintii dhacday”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishire Jaamac (Ciyaar jecel) oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa si kulul uga hadlay sida foosha xun ee loo dilay isla markaana lagu gubay Axmed Mukhtaar Dowlo.

Xildhibaan Ciyaar jecel, waxa uu sheegay inuusan garankarin waxa ay Umadda Soomaaliyeed ku kala duwan yihiin waxa uuna ku baaqay in DFS ay aroos Qaran u sameyso wiilka iyo gabadha leysku diidan yahay.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in dhacdadaasi aawgeed dowlada Somalia laga doonaayo inay ku sara qaado qiimaha lamaanaha falkaasi aawgood loo sameeyay wuxuuna soo jeediyay in aroos heer Qaran loo dhigo si loo tiro murugada dhacday.

Xildhibaan Ciyaar jecel, ayaa sheegay in amniga magalada Muqdisho uu gaaray in mudo Afar Cisho ah uusan hurdin, isagoo sabab ka dhigay in dadka nolosha lagu gubaayo.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Ciyaar jecel ayaa ahaa “Afartii cisho ee u dambaysay hurdo ma ladin, waa wax laga naxo in magaalada dhexdeeda qof nool lagu gubo”

“Waxaan u sheegayaa Xildhibaanada in arrinkaasi uu Baarlamaanka mas’uuliyad ka saran tahay inay ka dhiidhiyaan si aanu mar kale u dhicin”.

Xildhibaanka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan maanta uu baarlamaanka ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka ee magalada Muqdisho, isagoo Xildhibaanada kale ku baraarujiyay in xanuunka ay la qeybsadan qoyskaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com