Sawirro: Dagaal-yahanada Daacish oo soo bandhigay muuqaalka goobaha ay ka joogaan SOOMAALIYA

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal-yahannada kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya dhufeysyada iyo goobaha ay kaga sugan yihiin buuraha Al-Bari ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

Muuqaallada Daacish ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka muuqda dagaalyahannada oo ku hoos jira buuro, ayaga oo taagan banaan, iyo mar ay daawanayaan taleefishin aad u yar oo u hoos yaalla buur.

Tirade dagaalyahanada ee ka muuqda sawirrada ay Daacish soo bandhigeen ayaa ah illaa dhowr iyo toban dagaalyahan.

Muuqaalada ay baahisay kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo maanta rag hubeysan ay dileen askari ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, mid kalena ay dhaawaceen.

Askartan ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada, waxaana la sheegay in dilkooda ka dib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, hase yeeshee kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo sidoo kale magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com