Yariisow: Xildhibaano ayaa doonaya in dadkii gubay Axmed Dowlo lasii daayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiayah Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu booqday Qoyska Marxuum Axmed Dowlo ee dhawaan la dilay lana gubay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyey dilkaas Gacanta lagu haayo,isla markaana ay jiraan xildhibaan iyo Siyaasiyiin doonaya in la siidaayo.

Gudoomiye Yariisow ayaa waxaa uu tilmaamay  in maamulka Banaadir uusan marnaba aqbali doonin in dadkii dilay marxaan Axmed ay sii daayaan  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

“Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay ka siidaayaan dadkii gubay Axmed Mukhtaar,mana ka yeeli doono,waxaan idiin sheegayaa inay cadaalada mari doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in ciidamada amaanka ay ku daba jiraan rag la sheegay in ay baxsadeen, islamarkaana ka dambeeyay dilka loo geystay Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax.

Dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com