Dowladda SOMALIA oo caddeysay mowqifkeeda dhismaha baarlamaanka KOONFUR GALBEED!!!

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qorshaha dhismaha baarlamaanka maamulka koofur galbeed oo dhawaan ka bilowday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul Dowlada Soomaaliya Sahra Cali Samatar ayaa ka hadashay qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka koofur galbeed iyo qaabka ay dooneyso dowlada Soomaaliya.

Sahro Cali Samatar, oo la kulantay madaxweynaha koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa sheegtay iney doonayaan in doorashada iyo soo xulista baarlamaanka koofur galbeed noqoto mid cadaalad ah oo ay kasoo muuqdaan dhamaan beelaha daga gobolada maamulkaasi uu ka arimiyo.

Sidoo kale waxay sheegtay iney doonayaan in haweenka doorweyn ku yeeshaan xubnaha baarlamaanka ee maamulka Koofur Galbeed, iyadoo sheegtay in doorka haweenka wali Soomaaliya aysan si dhab ah xaqooda ugu helin.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in arimahaasi oo dhan kala hadashay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan SHeikh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com