Caradii Ahlu-Sunna ka qaaday Galmudug oo 2…

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna ay xoog ku xireen labo idaacadood oo ku yaala magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel oo ka howlgalayay deegaanadaasi.

Idaacada maanta la xiray ayaa kala ah Radio Galgaduud iyo Star Guriceel oo ku yaala magaalada Guriceel iyo xarun kale oo Idaacada Galgaduud ku leedahay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

C/fataax Xasan Faarax  oo ah agaasimaha Radio Galgaduud ee magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb aya sheegay in ciidamada AHlu sunna ay ku wargeliyeen iney xiraan Idaacadaha laakiin ay ka biyo diideen balse markii dambe xoog lagu xiray.

Lama oga dhab ahaanshaha waxyaabaha ka dambeeyay xaritaanka Idaacadaha, balse waxaa loo badinayaa arinta ku aadan qaabka ay u baahiyeen xeritaanka madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi loogu geystay magaalada Cadaado.

“Waxaa la xiray Idaacadaha Galgaduud iyo Star FM oo Guriceel ku taala iyo Dhuusomareeb ayaa la xiray maanta, markii hore waa naloo yeeray oo amarka ayaa nagala wargaliyay, waxaan u sheegnay inaan ka helno warqad cadaan ah ama aan ka wareysano, kadib waan ka weynay laakiin markii hore xoog ayay ku galeen oo Idaacadaha wey damiyeen”ayuu yiri C/fataax.

Ahlu sunna ayaa dhawaan xabsiga dhigtay lix wariye oo ku sugnaa  magaalada DHuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana wali hawada ka maqan Idaacada codka Bartamaha ee magaaladaasi.

Sidoo kale kulan ay yeesheen wariyaasha ku sugan Galgaduud ayaa waxay soo saareen qoraal ay ku cadeynayeen iney joojiyeen la shaqeynta maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com