Xog: JUBBALAND oo isku khilaafsan hal arrin oo ka dhalatay safarka AXMED MADOOBE u baxay

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta sare ee maamulkaasi ay isku khilaafsan yihiin shaqsiga Madaxweynaha Maamulkaasi ku simaha u ahaan lahaa xiliga uu safarka yahay.

Doorashada maamulkaasi ka hor ayaa waxaa ku simaha Axmed Madoobe ku magacawnaa Madaxweyne ku-xigeenka koowad ee Maamulkaasi, waxaana iminka tirada kusoo biiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

C/llaahi Ismaaciil Fartaag iyo Suldaan C/qaadir Lugadheere oo kala ahaa Madaxweyne ku-xigeenka koowaad iyo kan labaad ayaa ku doodaaya in midkood uu yahay ku simaha Madaxweynaha Jubbalan Axmed Madoobe, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isna sheegay in Dastuurka cusub uu qoraayo in ku simaha Madaxweynaha uu isaga yahay.

Dastuurka cusub ee Jubba ayaa qoraya in hal Madaxweyne ku-xigeen uu yeesho maamulka Afarta sano ee soo socota, iyadoo weliba aanu doorasho ku imaaneynin ee uu magacaabayo Madaxweynaha, taasoo dad badani dhaliileen, haddana waxaa soo shaac baxday iyadoo aanay dhammaan mudadii Kumeelgaarka ahayd oo ku eg 28-ka Ogost 2015, lana caleemo saarin in kusime-nimadii laga wareejiyay Madaxweyne ku xigeenadii hore.

Axmed Madoobe oo iminka Safar ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu ku simihiisa ka dhigay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, halka ku xigeenadiisii hore ay go’aankaasi ka carooden isaga oo aan u sheegina ka dhoofay garoonka Kismaayo.

Arrintaani ayaa iminka xasarad Siyaasadeed ka dhex abuurtay Mas’uuliyiinta ugu sareysa, waxaana suuragal ah in Khilaafkaani uu sababo kala gurashada Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiintaasi.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa doonaya in ku-xigeenkiisa uu ka dhigto Madaxweyne ku-xigeenkii hore C/llaahi Ismaaciil Fartaag, halka Suldaan C/qaadir Lugadheere uu daaqada ka bixi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com