Wasiirada oo go’aan cusub ka qaatay mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen xaaladaha guud ahaaneed ee dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha ay haboon tahay in loo maro ka gudbitaanka xaaladaha taagan.

Waxaa shir gudoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana laga hadlay arimo ay kamid yihiin mooshinka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Golaha ayaa isku raacay in la saxo dhamaan waxii qaladaad ah ee jira si looga gudbo is qabqabsiga hadda ka dhex taagan madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha ayaa waxay arimaha xalinta mooshinka u xil saareen labo gudi gaar ah oo kala ah gudiga siyaasada ee golaha wasiirada iyo gudiga dhaqaalaha ee xukuumada Soomaaliya, waxaana ujeedada tahay in dhaqaalo iyo siyaasadba lagu dhameeyo mooshinka hadda taagan.

Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali ku adkeysanaya mooshinka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, waxayna sheegayaan in markan ay adag tahay iney xildhibaanada Laaluush qaataan, sida uu sheegay Craxmaan Xoosh Jabriil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com