CCC oo Xassan u gudbiyay natiijo niyad jab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili saacadihii ugu danbeeyay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu waday kulamo uu xal ugu raadinaayo Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ra’isul wasaare Cumar oo kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Madaxweynaha ayaa waxaa la soo warinayaa in Ra’isul wasaaraha kulamadaasi uu kasoo saaray Natiijo dareen cusub ku abuurtay Madaxweyne Xassan.

Ra’isul wasaaraha oo kulamadaasi kadib kulan aan caadi aheyn la qaatay Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu ku wargaliyay inuu maaro u waayay Xildhibaanada uu la kulmay.

Waxa uu u sheegay inay diidmo ka muujiyeen xalinta Mooshinka, gaar ahaan inay la midooban Madaxweynaha islamarkaana Khilaafka iyo tuhunada jiro miiska wada hadalka lagu xaliyo.

Cumar C/rashiid ayaa gacan ka taagtay Mooshinka waxa uuna Madaxweynaha u sheegay in natiijada uu kala kulmay Xildhibaanadaasi ay tahay mid aan rajo laheyn.

Madaxweyne Xassan ayuu ku wargaliyay in Xildhibaanada ay ku adkeysanayaan is casilaad taasina ay tahay mid aan suuragal aheyn, xaalkeeduna uu yahay mid ku jirta gacantiisa bacdamaa xaalka uu yahay mid qasan.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan oo dareen adag ka qaba in Mooshinka ay ku lug leeyihiin Xubno isaga saaxiib la ah, ayaa Ra’isul wasaare Cumar ku cadaadiyay in mar kale uu ku laabto Xildhibaanada oo uusan ka daalin si loo helo isbedel ka duwan Khilaafka kala dhexeeya Mooshin wadayaasha.

Madaxweyne Xassan ayaa dareensan in Mooshinka ay gadaal ka riixayaan Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia hayeeshee uusan wax ka bedeli karin bacdamaa ay gacmo heer caalami ah ku jiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com