XOG: C/llaahi Sambaloolshe oo durbadiiba lagu helay arrin fadeexad ku ah dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Safaarada Somalia ee dalka Turkiga, ayaa xaqiijiyay in Danjiraha Dowlada u fadhiya dalkaasi C/llahi Sanbaloolshe durbadiiba lagu helay kiis lidi ku ah xiriirka Turkiga kala dhexeeya Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasaarada Arrimaha Dibada dalkaasi ay Danjiraha ku heshay Liiska shaqsiyaad Tahriib ah oo uu doonaayay inuu usoo saaro Fiisooyin.

Fiisooyinka ayaa la tilmaamayaa inuu doonaayay inuu kusoo saaro laba qeyb oo qeybta koowaad ay tahay booqasho, halka qeybta labaadna ay tahay ardaynimo, balse ay yihiin Tahriib doonaaya in xadka dalkaasi ay kaga sii gudbaan dalalka Yurub.

Wasaarada ayaa la sheegayaa inay hakisay Liisaskaasi oo la sheegay inay ka koobnaayen 8 Muwaadiniin ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoona ay xogtu ay intaa kusii dareyso in shaqsigiiba loo qorsheeyay in laga qaado lacag qadarkeeda lagu sheegay 4,000 ilaa 5,000 oo dollarka Mareykanka ah.

Kiiskaani lagu helay Danjiraha ayaa waxa uu dhaawici karaa xiriirka Somalia kala dhexeeya Dowlada Turkiga oo la rumeysan yahay in horumarada Somalia ay ku leedahay taariikh lama ilaaban ah.

Madaxweynaha Somalia ayaa Jul 9, 2015 C/llahi Sanbaloolshe u magacaabay Danjiraha Somalia u fadhin doona dalka Turkiga, waxaana durbadiiba xigay kiiskaani.

Geesta kale, Magacaabista Sanbaloolshe ayaa ku timid xiriir saaxiibtinimo kala dhexeysay Madaxweyne Xassan, inkastoo Dowlada Turkiga ay magacaabida Sanbaloolshe ka caga jiiday hadana waxaa xigay fashilkii ay ka cabsi qabtay oo iminka kusoo baxay Sanbaloolshe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com