Dagaal ka dhex qarxay Galmudug iyo Ahlu-Suna

Cadaado (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacday magaalada Cadaad oo dhexmaray kooxo hubeysan oo Ahlu sunna ka tirsan iyo ciidamada Nabad sugida ee ku sugan magaalada Cadaado, kadib markii dableyda hubeysan ay weerareen goob lagu xiray madaxweyne ku xigeenka AHlu sunna.

Kooxaha ayaa weeraray saldhigii lagu xiray Cabdulaahu Xersi Diirshe Daacad, kaasi oo ciidamada nabad sugida magaalada Cadaado ay shalay xireen, waxaana is rasaaseyn muddo saacado socotay ay dhexmartay labada dhinac, sida wararka aan ku heleyno.

Kooxaha weerarka qaaday ayaa iska caabin xoogan kala kulmay ciidamada nabad sugida ee ku sugan magaalada Cadaado, waxaana damacooda uu ahaa iney xoog ku furtaan Mr Diirshe Daacad oo Ahlu sunna maamulkooda ka ah madaxweyne ku xigeenka koowaad.

Xaalada magaalada ayaa kacsanaan kooban gashay, laakiin hadda waxaa iska caado, waxaaase waddooyinka magaalada lagu arkayaa ciidamo badan oo roondeynaya, kuwaasi oo ka feejigan weerar kale oo gaadmo ah.

Labada dhinac ee Ahlu sunna iyo Galmudug ayaanan wali ka hadlin weerarka ka dhacay magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com