Xldhibaanada mooshinka oo arrin kale dalbaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxweynaha waxa ay ugu baaqeen inuu iscasilo oo uu baneeyo kursiga Madaxtinimada dalka.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada Madaxweynaha intii uu kursiga ku fadhin karay oo uu dalka u talinaayay uu soo qaatay, maantana la joogo waqtigii uu u tanaasuli lahaa danta shacabka Somaliyeed.

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah xubnaha Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa sheegay inay u soo jeedinayaan inuu meesha ka baxo isaga oo eegaya danta dalka iyo dadka Somaliyed.

“Dalka hadii uu qalalaasyo siyaasadeed galaayo cidda gelinaysa waa Madaxweynaha, waan ugu nasteexeyneynaa inta kiiskaan aanu meel weyn tagin, xasaanada lagaa xayuubin, waxaan ku leenahay Madaxweyne is casil oo dheh, hadii baarlamaankii shalay I doortay iga horyimid oo I nacay istiqaaladii waan dhigay oo waataas, inkastoo rajo badan aan ka qabin in Madaxweyne Afrikaan ah taasi uu sameeyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Bare waxa kale uu sheegay inaan laga noqon karin Mooshinka oo Xeer hoosaadka Baarlamaanka uu dhigaayo, hadii Xildhibaanka Mooshinka uu saxiixo inuusan ka laaban karin ilaa waqtiga codeynta laga gaaro oo Xildhibaanka uu ku codeyn karo Haa ama Maya.

“Xildhibaan Soomaaliyeed oo aan la qasbin, xoogna looga saxiixin fiyoobaa hadana maanta dhahay waan ka noqday waa damiir xumada Baarlamaanka haysta xilligaan, hadii xildhibaanada wada saxiixay ay dhahaan waan ka baxaynaa wax jiro malahan sharcigaasi waa gudbay, baarlamaanka horay ayuu u fariistay markii Laab laabashada mooshinada ay ay badatay, si baarlamaanka sumcadiisa loo badbaadiyo lana joojiyo mooshin la keeno ama laga baxo waxaa go’aan lagu gaaray in xildhibaanka aanu ka bixi karin mooshin uu saxiixay hadii ay guddoonka gacanta u gasho, kaliya waa xur marka codka loo qaadayo.” Ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaanka

Beesha caalamka qoraal ay soo saartay ayeey ku muujisay walaac xoogan oo ay ka qabto Mooshinkaasi laga gudbiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ee gacanta ugu jira Guddoonka Baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com