Soma Oil and Gas oo codsatay in ay hortagto QM

London (Caasimada Online) –  Soma Oil & Gas oo uu madax ka yahay hoggaamiyihii hore ee xisbiga conservative Michael Howard, ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay inuu kala hadlo eedeeymaha lala xiriirinayo heshiiskii aay lagaleen DFS.

Shirkadda ayaa weydiisatay wada hadal madaxa guddiga golaha ammaanka ee qaramada midoobay Rafael Dario Ramirez Carreno, warqad lagu faafiyay bartooda websiteka, taasoo aay ku muujiyeen dareenka aay ka qabaan kooxda qaramada midoobay ee daba galka Somaliya iyou Eritariya, iyo sida aaysan isku maandhaafsan yihiin sida aay u shaqeeyaan shirkadaha macdanta iyo gaaska.

Soma Oil ayaa rabta in aay si cad u bayaaniso sida lagama maarmaan aay u tahay in loo dhiso wasaaradda batroolka iyo macdanta, qubaro tayo u leh howlaha aay u hayaan wasaaradda.

Xafiiska ka hortagga musuqmaasuqa ee dalka Biritan ee loo yaqaan SFO, ayaa sheegay bishii July 31 in uu baaritaan ku wado Shirkadda Soma Oil & Gas oo uu fadhigeedu yahay magaalada London, iyo shirkadda kale ee Soma Managment LTD. Kuwaasoo lagu soo eedeeyay musuqmaasuq baahsan oo kala dhexeeya Dowladda Federalka Soomaaliya.

Shirkadda Soma Oil & Gas ayaa iska fogeysay eedeemahaas, ballan qaadayna in aay si buuxda ula shaqeyn doonto danbi baarayaasha

Halkan Ka Akhriso 

Caasimadda Online
Xafiiska London